Waxaan Cambaaraynayaa Falkii Foosha Xumaa ee Hakiyay Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Degmada Lughaya. Qallinkii: Mohamed Gacayte

0
711

Waxaan si adag u cambaaraynayaa weerarka lagu qaaday Sanduuqii yaalay goobta “Sabo-Wanaag” oo ay ka socotay Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee  Degmada Lughaya ee Gobolka Awdal. Goobtan oo aan ka mid ahayn 6 dii goobood ee muranka doorashooyinku ka taagnaa.

 

Weerarkan oo ay gaysteen dablay hubaysan oo watay gaadiid dhawr ah ayaa gabi ahaanba qaatay agabkii diiwaangalinta, isla markaana hakad galiyay habsami-u-socodkii hawsha diiwaangelinta ee goobtaasi.

 

Falkan foosha xun waxaan u arkaa mid carqalad ku noqonaya habsami u socodka hawsha diiwaangelinta iyo guud ahaan nabadgalyada. Sidoo kale, ficillada fawdada noocani ahi waxay ka horimanayaan dawladnimada iyo hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland.

 

Waxaan usoo jeedinayaa Xukuumada inay tallaabo adag oo sharciga waafaqsan ka qaado cid kasta oo ku lug lahayd weerarkan ka dhanka ah Diiwaangalinta iyo Qaadashada Kaadhka Codbixinta.

 

 

Ilaahay Cadawga Naga Hay.

 

Guul iyo Gobanimo

By Mohamed Gacayte

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here