Somaliland oo Dalbatay Aqoonsi Ay Kaga Mid Noqoto Ururka Midowga Afrika

0
1254

Hargeysa (HP): Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa aqoonsi ay kaga mid noqoto Ururka Midowga Africa AU, ka dalbatay Dawladda iyo xisbiga talada haya ee South Afrika.

Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin ay daabacay Warbaahinta Sunday Tribune ee dalka South Afrika.

Waxana ay iftiimiyeen in dalabkaasi ka dhashay intii uu socday kulan toddobaadkii hore ay Hargeysa ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Gudaha, ahna Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiir ku-xigeenka shirkadaha dawliga ah ee South Africa, Obed Bapela.

“Waxaanu nahay dalka kaliya ee xasiloon ee mandaqada ku yaalla, waxaanu ku naalloonaynaa nabadgelyo iyo xasilooni taam ah, iyadoo dawladnimadayaduna si buuxda u tahay mid dimuqraadiyad ku dhisan, iyadoo aanu leenahay doorashooyin qof iyo cod ku sallaysan,”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin.

Waxaanu intaas ku daray “Somaliland waxay dabaqdaa qiyamka caalamiga ah ee hirgelinta dimuqraadiyadda. Waxaanu leenahay nidaanka dawladaha hoose, iyadoo hoggaankayagana la doorto, waxaanu dabaqnaa heerarka caalamiga ah.”

Wasiirka Daakhiligu wuxuu intaas ku daray in ururrada Argagixisada ee ka jira dalalka jaarka ah, sida Soomaaliya aanay caqabadahaasi ka jirin Jamhuuriyadda Somaliland.

Warsidaha Sunday Tribune wuxuu xusay in Somaliland oo xornimadeeda ka qaadatay Ingiriiska sannadkii 1960kii, Madaxweynihii hore ee South Africa Mr. Thabo Mbeki uu dhaqaajiyay qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, hase ahaatee muddo xileedkiisii la soo gaabiyay, wuxuuna wargeysku intaas ku daray in xisbiga talada haya ee ANC ay tahay inuu dib u bilaabo nidaamkii aqoonsi buuxa lagu siin lahaa Somaliland, si la mid ah sidii South Afrika hore ugu samaysay Galbeedka Saxaraha iyo Falastiiniyiinta.

Wasiir ku-xigeenka shirkadaha dawliga ah ee South Africa, Obed Bapela, ayaa sheegay in dadka reer Somaliland muddo badan sugayeen aqoonsi, isla markaana ay dawladooda gaadh siinayaan arrintaas.

Waxaanu yidhi “Ma sugi karno intaas wax ka badan muddo dheer ayay shacbiga Somaliland sugayeen aqoonsi.

Waa in aanu fulinaa arrintaas haddii aan ahay hoggaamiyaha weftigan waxaanu xaqiijin doonaa in dalabka Somaliland gaadho hoggaanka dalkayaga, korna loo qaado xidhiidhka innaga dhexeeya.”
Waxa kaloo uu ku booriyay inay Somaliland samayso xeerarka maalgashiga si heshiisyo ay u galaan, si dalku u dhismo dhaqaalena u helo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here