Madaxweynaha Somaliland oo Kulan La Yeeshay Ganacsatadda Dalka

0
796

Hargeysa (HP): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay xarunta madaxtooyadda kulan kula yeeshay ganacsatadda dalka.

Kulankaasi ayaa lagaga doodayey sidii wada-jir loogaga tashan lahaa duruufaha kusoo kordhay isu socodkii ganacsiga ee mandaqadda badda cas la yeedhay ganacsatada kala duwan ee dalka.

Kulankan oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, islamarkaana ay madaxweynaha ku wehelinayeen wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, horumarinta maaliyadda, Xannaanada xoolaha iyo Horumarinta reer Miyiga, shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga, guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo xubno kale.


Waxaana kulankaasi diiradda lagu saaray sidii looga dabbaalan lahaa saamaynta dhaqaale ee ka dhalatay duruufaha kusoo kordhay ganacsigii isaga kala gooshi jirey marinka badda cas, loo na diyaarin lahaa qorsheyaal midho dhal ah oo lagu maareeyo saamaynta ganacsiga ku soo korodhay ee nolosha bulshada taabanaysa.

Madaxweyne Biixi, waxa uu ganacsatada uga mahadnaqay sida xushmadda leh ee u soo ajiibeen kulanka qaran ee loogu baaqay, waxana uu soo dhaweeyey soo jeedimaha iyo talooyinka cilmiga ku dhisan ee ku saabsan iskaashiga ganacsatada iyo dawladda.

Waxaanu xusay inay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay in ganacsatada taladooda la weeleeyo, lagana wada tashado sidii loo yarayn lahaa caqabadaha iyo dhibaatada mandaqadda kusoo korodhay ee taabanaysa noloshada bulshada rayidka ah.

Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu guddoomay soo jeedin la xidhiidha in la diyaariyo guddi isku dhafan oo xukuumadda iyo ganacsatada ka kooban oo xal waara ka keenta dhibaatada dhanka isu socodka ganacsiga iyo badeecadaha ee mandaqadda kusoo korodhay,

Madaxweynuhu waxa uu ganacsatada ku boorriyey inay door muuqda ka qaataan nabadgelyada iyo xasiloonida bulshada dhexdeeda ah, si ay uu isu socodka ganacsigu kor ugu kaco, horumarkuna u noqdo mid waara.

Geesta kale xubno ka mid ah ganacstadii madasha ku sugnayd oo ay ka mid yihiin Mudane Yuusuf Ducaale Barre, Cali Cumar Guuleed, Maxamed Cabdilaahi Mire, Maxamed Cali Xasan, Ismaaciil Cabdi Xasan, Maxamed Shugri Jaamac iyo Cabdiwahaab Cabdiraxmaan Cileeye, oo hadallada isaga kala dambeeyey ayaa soo jeediyey tallooyin iyo aragtiyo lagaga gudbayo duruufaha ganacsi iyo kuwa dhaqaale ee soo kordhay.

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Dr. Sacag Cali Shire, ayaa isna hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in ganacstada iyo xukuumaddu iska kaashadaan sidii loo heli lahaa talooyin lagaga gaashaanto saamaynta ka dhalatay duruufaha kasoo kordhay mandaqadda badda cas.

HALKAN KA DAAWO HADALADII KULANKA:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here