Golaha Wakiilada oo Loo Qaybiyay Xeerka Garsoorka Ciidanka Qaranka

0
616

Hargeysa (HP): Mudaneyaasha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa maanta loo qaybiyay xeerka nidaamka garsoorka Ciidanka Qaranka.

Xildhibaanadda golaha Wakiillada, ayaa xeerkaasi loo qaybiyay maalmaha soo socda dood, iyo falan-qayn ka yeelan doona xeerkaasi.

Geesta kale, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ansixiyay xeerka Ciidanka Qaranka Xeer Lr. Xxxx kaas oo muddooyinkii u danbeeyay ay kujireen ka doodistiisa iyo faaqidaadiisa, waxaana ka soo qayb galay fadhigan lagu ansixinayay Xeerka Ciidanka Qaranka 45 Xildhibaan.

Fadhiga golaha Wakiillada oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha Golahaasi Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoo ayaa waxa ay mudanayaasha goluhu ku ansixiyeen xeer aad muhiim ugu ah Ciidanka Qaranka, kaas oo laga dhur sugayay muddo aad u badan in ay yeeshaan Ciidanka Qaranku xeer iyaga u gaar ah oo lagu maamulo.

Markii fadhigaasi furmaya, ayaa waxa mudanayaasha uga warbixiyay xeerka Ciidanka Qaranka Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo ah gudoomiyaha guddida arrimaha gudaha oo gacanta ku hayay Xeerkan, waxaanu ku dheeraaday ahmiyada uu xeerkani u leeyahay Ciidanka Qaranka, waxa kale oo uu Xildhibaanku is dul taagay meelaha ugu muhiimsan Xeerkan iyo soo jeedimihii Xildhibaanada eek u aadanaa Xeerkan.

Intaasi ka dib gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Fartoon ayaa cod galiyay Xeerka Ciidanka Qaranka codayntii ayaa waxa ay u dhacday sida tan.

Xildhibaanada ogolaaday ansixinta Xeerka Ciidanka Qaranka, ayaa ahaa 41 Xildhibaan, halka aanay jirin Mudane diiday Xeerkan, Xeerka Ciidanka Qaranka ayaa waxa ka aamusay 3 Xildhibaan ansixintiisa.

Gudoomiyuhuna muu codaynin, sidaasina waxaa ku ansaaxay Xeerka Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo mudo aad u badan aan lahayn wax Xeer ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here