Soomaaliya oo Cafis U Fidisay In Ka Badan 100 Maxaabiis Ah

0
988

Muqdisho (Hargeisa Press)- Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cafis u fidiyay 148 maxaabiis ah oo loo heysta inay galeen dambiyo fudud, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Waxaa sii deynta maxaabiista looga golleeyahay ka hortaggida cudurka Coronavirus gudaha xabsiyada dalkaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa faray Taliska Asluubta Soomaaliya oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka in ay dadaal mug weyn geliyaan badqabka caafimaad ee maxaabiista ku jira xabsiyada dalka, si looga hortago halista caafimaad oo ay u nugul yihiin” ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka.

Waxay arrintani imaneysaa xilli dhawaan dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay 3 qof oo uu ku dhacay cudurka Corona.

Halka wasaaradda caafimaadka ee Somaliland ay xaqiijisay laba kiis oo coronavirus ah in laga helay gudaha Somaliland.

Somaliland waxay shaley ku dhawaaqday in xabsiyada laga sii deyn doono 574 maxaabiis oo u xidhan dambiyada fudud.

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here