Ciyaartooy Siciid Ducaale oo Yemen Ku Geeriyooday

0
2264

Cadan (HargeisaPress)- Laacibkii hore ee xulka qaranka Soomaaliya Siciid Ducaale ayaa ku geeriyooday magaaladda Cadan dalka Yemen, halkaas oo uu ku xanuusanaa muddooyinkii ugu dambeeyay.

Alle ha u naxariistee marxuum Ducaale oo ka mid ahaa ciyaartooyda ugu wanaagsan qaaradda Africa iyo dalalka carabta wuxuu ku dhashay magaaladda Cadan ee dalka Yemen sanadkii 1947, wuxuu muddo 10-sanadooda ahaa laacibka ugu sarreeya horyaalka K/cagta Soomaaliya.

Aaska marxuumka ayaa maanta ka dhacay masaajidka Al-ixsaan, ee xaafadda Tawila ee magaalada Cadan, halkaas oo boqolaal muslimiin ah ay kula tukadeen salaadda jinaasada. Wuxaanay da’diisu ahayd 73-jir.

Guulihii ugu caansanaa ee Siciid Ducaale waxaa ka mid ahaa inuu kooxda Horseed keenay ciyaarta kama dambeysta ah ee koobka kooxaha Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA sanadkii 1972, waxaana 2-1 koobkii ku qaaday kooxda Luo Union ee dalka Kenya. CIyaartaas kaddib, waxaa Siciid Ducaale loo magacaabay ciyaaryahanka sanadka ee dalalka Bariga iyo Bartamaha Africa ee 1971-1972 (CECAFA best player of the Year).

Wuxuu ahaa ciyaaryahan mucjiyo ku ahaa gool dhalinta, gaar ahaan laadka xorta ah ee Free-Kick, iyadoo taageereyaashu ugu yeedhi jireen (Boqorkii kubadda cagta) ama Maliku alKura, waana ciyaaryahan xushmo weyn looga hayo Africa iyo Carbta intaba.

Soomaaliya kaddib, Siciid Ducaale wuxuu markii dambe u ciyaaray kooxda Zamaleh SC ee dalka Masar iyo kooxda Al-Jazira ee dalka Imaarkaadka Carabta, in kastoo dhaawacyo la soo gudboonaaday aawadood uu wakhti kooban la qaatay kooxahaas.

Markii uu ciyaaraha ka fadhiistay, wuxuu Cadan ka noqday macallin dhiga waxbarashada jidhdhiska. Sidoo kale wuxuu Tababare iyo wakiil u noqday kooxda ugu faca weyn ciyaaraha dalka Yemen ee Al-tilal FC.

Siciid Ducale ayaa waxaa uu ku dhashay magaalada Cadan waxaaanu asal ahan ka soo jeeda Somaliland gaar ahaana magaalada Burco.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here