Guddiga Ka Hor Taga Covid19 Ee Togdheer Oo Go’aamo Soo Saaray

0
789

Burco (HP): Guddiga ka diyaar garawga gobolka Togdheer ayaa maanta soo saaray  go’aamo kala duwan oo bulshadda gobolkaasi lagaga wacyigelinayo xanuunka Corona Virus.

Awaamiirta ay soo saareen guddigaasi waxaa ka mid ahaa in la mamnuucay dhamaanba goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan iyo in aan hudheeladda lagu qaban Karin wax xaflado ah.

Go’aamadaasi ayay guddigu ku sheegeen in looga dan leeyahay si kor loogu qaado nadaafadda,  loona ilaaliyo guud ahaanba caafimaadka bulshadda.

Sidoo kale awaamiirta guddiga waxaa ka mid ahaa digniin loo diray Malcaamado la sheegay in dib loo furay iyo in bulshadda gobolkaasi ay u dhego-nug-laadaan fariimaha wacyigelinta ah.

Badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Cabdi Maxamed, oo xubin ka ah guddiga gobolkaasi ka hor taga Covid19 ayaa  qodobadda go’aamadda ay soo saareen u akhriyay warbaahinta.

Waxaanu yidhi, “Waxaa la farayaa dhamaanba mujtamaca in ay mamnuuc tahay meelaha la isugu yimaado, dhamaanba xaflad oo dhami in ay gobolka ka mamnuuc tahay.  Hudheeladda in aan lagu qaban Karin wax xaflado ah ama wax aroosyo ah, tababaro lagu qaban Karin”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Waxaa la soo sheegayaa in ay jiraan Malcaamado dib loo furay. Cidii ay hawshaasi ku cadaato, waxaa la hor keeni doonaa sharciga.

Cidii ku tallo jirtana, waxaanu u sheegaynaa in ay joojiso, ilaa inta la gaadhayo mudadii ay guddiga heer qaran u qabatay”ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Togdheer.

Badhasaabka hadalka soo watayna waxa uu yidhi, “Sidoo kale waxaanu bulshadda ku wacyigelinaynaa in ay u dhego nuglaadaan awaamiirta, tallooyinka iyo wacyigelinta loo jeedinayo.

In nadaafadda kor loo qaado, oo qoyska laga bilaabo, oo meheradaha lagu xig-siiyo, oo magaaladda lagu xigsiiyo”.

Geesta kale badhasaabka Togdheer waxa uu digniin u diray dadka xoolaha ku Qala meelaha banaanka ah ee aan ahayn Kaawaanka loogu tallo galay, kuwaasoo uu sheegay in haddii ay joojin waayaan sharciga la marsiin doono.

Waxaanu yidhi, “Waxaanu soo ogaanay in ay jiraan dad xoolaha Qala, oo ku Qala meel aan ahayn Kaawaanka loogu tallo galay.

Dadkaa waanu u digaynaa, laga bilaabo maanta cidii lagu arko iyadoo meel aan ahayn meeshii loogu tallo galay xoolaha ku qalaysa, tallaabo ayaa laga qaadi doonaa”.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here