Sool: Taliye Taani Oo Kormeeray Fadhiisimadda Ciidanka

0
887

Jidbaale (Hargeisa Press): Taliyaha ciidamadda qaranka Somaliland sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa kormeer ku soo maray aagaga ciidamadda ee deegaamo ka tirsan gobolka Sool.
Waxaanu taliyuhu soo kormeeray goobo ay ku sugan yihiin maleeshiyo beeleedyo oo ay kala dhex fadhiyaan ciidamadda qaranku.
Taliye Taani, waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay wasiiradda arrimaha dibadda iyo warfaafinta, badhasaabka gobolka Sool iyo saraakiil ciidan.

Iyadoo taliyaha iyo wasiirrada la socdayba ay warbixino ka dhegaysteen saraakiisha ciidamadda ee ku sugan jiidaha fadhiisinka u ah ciidamadda.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here