Soo Dhawayn Loo Sameeyay Arday Waxbarasho Dibadeed Soo Dhamaystay

0
916

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Madaxweyne ku-xigeenka Β Somaliland Β ayaa maanta ka qeyb-galay soo dhaweyn loo sameeyey 20 ka mida Shaqaalaha Dawladda oo ka soo qalin jabiyay Jaamacada Shaqaalaha Dawladda ee heerka labaad ee Waxbarashada.

Shaqaalahan oo in muddo ah Waxbarasho ugu maqnaa dalka Itoobiya ayaa ka soo qalin jabiyay heerarka kala duwan ee Barashada heerka labaad ee jaamacadda.

Waxaanay Β ardaydan waxbarashadda soo dhamaystay sheegeen inay diyaar u yihiin u dhibirsanaanta shaqada qarankooda islamarkaana sheegay inay dalkooda iyo dadkooda gelin doonaan wixii aqoon ah ee ay soo barteen.

Cabdiraxmaan Saylici, Β oo halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo balaadhan u diray ardaydaasi wax usoo baratay qarankooda. Waxaanu ku ammaanay dedaalka iyo dhabar adaygii ay sameeyeen mudadii ay ku jireen Waxbarashada Itoobiya.

Madaxweyne ku xigeenka waxa kale oo sheegay in loo baahan yahay in wakhtigan uu Maxadka Shaqaaluhu noqdo mid isagu kaafiya waxbarashada heerkasta oo ay ahaataba, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in awood iyo maskax la geliyo sidii loo horumarin lahaa Maxadka shaqaalaha dawladda ee CSI.

Waxaanu kula dar-daaray ardaydaasi wax kusoo baratay Waddanka aynu jaarka nahay ee Itoobiya ay laban laabaan shaqadii ay qarankooda u hayeen.

Isagoo Β si gaara u hambalyeeyey 4 Hablood iyagu ka mid ahaa Ardaydaasi waxbarashada soo dhamaysatay.

Gebogebadiina Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu shahaadooyin maamuus iyo dhiirigelin ah gudoonsiiyey ardaydaasi.

DAAWO SAWIRRO DHEERAAD AH:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here