Badhasaabka Daadmadheedh Oo Beeniyay In Mudaharaad Ka Dhacay Oodweyne

0
776

Oodweyne (Hargeisa Press.om): Badhasaabka gobolka Daadmadheedh ayaa beeniyay warar sheegayay in bulshadda magaaladda Oodweyne ay mudaharaad kala hor yimaadeen wefti wasiirro ah oo magaaladaasi safar ku soo maray todobaadkan.

Nuur Cismaan Guuleed, ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay in labaatan dhalinayro ah oo weftigaasi mudaharaadka ku sameeyay ay weli xidhan yihiin, warkaasi oo uu badhasaabku sheegay in uu baahiyay telefishanka SAAB.

Badhasaab Daadmadheedh waxa kaloo uu sheegay muuqaaladda iyo sawirradii uu baahiyay telefishankaasi ay ahaayeen mudaharaadyo wakhti hore meelo kale oo aan Oodweyne ahaynba ka dhacay.

Nuur Cismaan Guuleed, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Oodweyne ayaa telefishanka SAAB ka dalbaday in uu soo cadeeyo meesha uu ka keenay warkaasi iyo sawiradaasi aan Oodweyne ka dhicin.

Badhasaabka oo ka hadlayay u jeedadda uu shirkiisa jaraa’id u qabtay waxa uu yidhi “Shirkan jaraa’id waxaan u qabtay, maalmahan waxaa warbaahinta ku jiray oo la faafiyay, oo ku saabsanOodweyne iyo mudaharaad ka dhacay iyo labaatan qof oo xidhan.

Marka hore ma jiro Oodweyne mudaharaad ka dhacay. Sawirrada-na waxaa la waydiini telefishanka SAAB halka uu ka keenay.

Sawirro aan Oodweyne ahayn, oo mudaharaadyo mar hore dhacay, oo meello ay ka dhaceen aanan garanaynin ayuu soo geliyay warka telefishankaasi. Wuxuu yidhi labaatan qof ayaa xidhan. Labaatan qof-na ma xidh-na”.

Geesta kale Nuur Cismaan Guuleed, waxa uu faahfaahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen  markii todobaadkan magaaladda Oodweyne lagu soo dhaweeyay wefti uu hogaaminayay wasiirka gaadiidka Somaliland, kana ahaa guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland.

Dhacdadaasi oo uu badhasaabku sheegay in SAAB TV uu majaro habaabiyay, isla markaana aanu jirin wax mudaharaad ahaa oo xiligaasi weftiga lagala hor yimid. “Waxaan halkan ka cadaynayaa arrinkaasi inta ka jirtay iyo sida uu ahaa.

Waa marka u horaysee, wasiirka gaadiidka C/laahi Abokor  iyo guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland iyo madaxdii kale ee la socotayba, ee soo maray gobolkan Daadmadheed.

Markii la soo dhawaynayay ama la soo dhaweeyay, ayaa innamo afar ahaa ayaa qaatay calanka xisbiga Waddani, munaasibadaasina mid calan xisbi loo soo qaato may ahayn.

Kulmiye, ama Waddani ama UCID midnaba in calankiisa la soo qaato may ahayn, oo calanka jamhuuriyadda Somaliland maahee mid kale in uu halkaa ka babado looma baahnayn.

Intaas ayaana afarta wiil ee dhalinyaradda ahaa lagu xidhay, muddo saacado ah ayaanay xidhnaayeen, kadib-na waanu sii daynay”ayuu yidhi Nuur Cismaan Guuleed.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Markaa telefishanka SAAB waxa loo baahan yahay in uu ka jawaabo, labaatanka qof ee uu sheegay in Oodweyne lagu xidhay ayay ahaayeen? Waana been oo wax jira ma aha. Mudaharaad dhacayna ma jiro.

Gobolka aan badhasaabka ka ahay ee Daadmadheedh-na, waa gobol nabad ah. barwaaqa-na ILLAAHAY SWT siiyay, wax dhibaato ah oo ka taaga-na ma jirto”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here