Somaliland: Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Oo Tartan Orodka Ah Jaamacadaha U Qabtay + SAWIRRO

0
1017

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland ayaa maanta  tartan Orodka ah ugu qabtay Sadex jaamacaddood oo ka mid ah jaamacadaha caasimadda Hargeysa, kuwaas oo kala ah, ADMAS, GOLLIS, iyo HOPE waxaana uu tartankani ahaa 3 KM.

tat

Xoghayaha xidhiidhka ciyaaraha fudud Mustafe Cabdi Xaddi, ayaa u mahad celiyay jaamacadahan ka qeyb-qaadanaya tartankan waa kuwii ka soo baxay ee buuxiyey shuruudihii aan ku xidhnay waanan uga mahad-naqaynaa waxaana ay noqon doonaan kuwo si gooniya ah uu xidhiidhku ula shaqeeyo.

tary

Wasiir Ku Xigeenka Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Prof. C/rashiid Ismaaciil Kaahin oo ay weheliyaan Agaasimaha waaxda ciyaaraha Md. Sacad Maxamed Shire iyo masuuliyiinta xidhiidhka ciyaaraha fudud ayaa tartankaasi ka soo qayb galay.

tartanka orodka a

Guddoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud Md. Mustafe Cali Nuur, waxaana uu xusay inay tartankan ugu talo-galeen in kor loogu qaado ciyaaraha orodka sidoo kalena ay dhallinyaradda iyo jaamacaduhu ay isku bartaan.

tauu

Wasiir Ku Xigeenka Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Prof. C/rashiid Ismaaciil Kaahin,waxaana uu ugu horeyn u mahad-naqay xidhiidhka ciyaaraha fudud iyo jaamacadaha soo ajiibay inay tartankan ka qeyb-galaan, waxaana uu xusay orodada iyo halka ay guud ahaanba ciyaaraha kaga jiraan iyo in Somaliland wakhtigii hore iyo imikaba ay leedahay ciyaartoy sumcad iyo magacba ka keenay ciyaaraha fudud gaar ahaan Orodka.

takk

Waxaa kaalinta koowaad Gashay Jamacadda ADMAS halka kaalinta Labaad ay gashay jaamacadda GOLIS, waxaa iyaguna Kaalinta saddexaad galashay Jamacadda HOPE , Waxaa Abaalmarin la Gudooniyay Lixdii Orodyahan ee orodka ku guuleystay.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here