Madaxweynaha Siilaanyo Oo Maanta deegaanka Xumbo weyne dhagax-dhigay Dhaam Biyood + SAWIRRO

0
868

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta safar gaaban ugu baxay deegaanka Xumbo weyne Halkaas oo uu madaxweynuhu dhagax-dhigay mashruuca dhaamka Xumbo-weyne oo kaydindooba biyo baaxadooda lagu qiyaasay  500,000 Metric Cubic.

76a853c0-1a6d-4a1d-a06b-f87e3a0af718

Dhaamkan oo noqon doona mid dhaxal-gal ah waxa uu qaban doonaa biyaha buuraha ka soo rogmada ee badda ku shubmi jiray inagoon hore uga faa’iidaysan biyahaasi, waxaana loogu talo-galay in ay dadka deegaanku wax ku beertaan, dhinaca kalena uu kayd balaadhan u noqdo Caasimadda Dalka.

89c0fee8-aafd-486b-9b8a-ce27992579ad

 

Madaxweynaha oo dhagax-dhiga ka dib halkaasi hadal ka jeediyey ayaa yidhi Waxaan jecelahay in aan Odayaasha Deegaanka uga mahadceliyo soo dhaweynta diiran iyo taageerada ay la barbar taagan-yihiin dawladda, taas oo inoo suurto-gelinaysa in aynu raacno dhabaha guusha meelna uga soo wada jeedno sidii dalka iyo dadkuba u dhismilahaayeen.

f137a675-7d04-48b7-8c0e-269c8a330891 (1)

 

Waxaan si weyn ugu mahadnaqayaa Dawladda Imaaraadka Carabta oo inoogu deeqday dhaamkan iyo mid kale oo laga dhisi doono deegaanka Magaalada Laascaanood. Sidoo kale, waxay ka fulin doonaan mashaariic kale oo qiimo leh goobo kale oo muhiima.

fc726c5e-8217-4895-bda9-25ab7a2f1f4e

 

 

Sidoo kale waxa halkaasi hadalo ka jeediyey Wasiirka Biyaha, Masuul ku hadlaayey afka shirkada gacanta ku haysa dhismaha dhaamka iyo Odayaasha deegaanka.

2c0c0246-7838-4f00-a3c8-7f6a752e9c30

61e26dc3-71e2-4b4e-bfa2-df6126ae4ada

 

Iyadoo madaxweynaha hadhimo sharafeed balaadhan loogu sameeyey Beer weyn oo ku taala Deegaanka Xumbo weyne, isagoo madaxweynuhu shacabka deegaanka ku dhaqan kala hadlay barxad weyn oo ay isugu soo baxeen loona qorsheyey in madaxweynaha lagu soo dhaweeyo, halkaas oo ay isugu yimaadeen dad aad u tiro badan oo jewi wanaagsan iyo farxad ku qaabiley madaxweynaha iyo weftigiisa.

fa0095d0-cca5-4e63-872b-ba8fc2fe86e9

Ka dibna waxa madaxweynaha iyo weftigii uu hogaaminaayey ku soo laabteen caasimada Hargeysa ee Somaliland.

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here