Somaliland: Xanuunka Jadeecadda Oo Ka Dilaacay Afar Gobol

0
439

Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in xanuunka Jadeecadu uu farro baas ku hayo bulshooyinka ku kala nool goboladda Awdal, Sool, Togdheer, iyo Maroodijeex oo uu dad badan soo ritay ayna u jiifaan xanuunkaasi.
Wasiirka caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa sheegay in sidoo kale caabuqa Covid-19-ka uu mar kale u muuqdo inuu soo rogaal celiyay, isla markaana lagu arkay dad ku nool meelaha Baadiyaha ah oo uu soo ritay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here