Xubno Ka Mida Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siysaadda Somaliland Oo La Dhaariyay

0
505

Hargaysa (HP): Afar ka mida xubnaha cusub ee guddida diiwaangelinta Ururrada iyo axsaabta siyaasadda Somaliland ayaa maanta lagu hor dhaariyay madaxweynaha qaranka Muuse Biixi Cabdi.
Waxaana xubnahaasi dhaariyay guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.
Guddida diiwaangelinta Ururrada iyo axsaabta siyaasadda Somaliland oo ay tiradoodu ka kooban tahay 7 xubnood ayaa maanta madaxweynaha hortiisa lagu dhaariyay afar ka mid ah.
Kuwaasoo ahaa afartii xubnood ee ay dhawaan ansixiyeen golaha Wakiiladda, iyadoo golaha Wakiiladu aanay ansixinin ama ay diideen saddex xubnood oo ka mid ah todobadda xubnood ee guddigaasi.
Halka saddexda xubnood ee hadhay na uu mar kale madaxweynuhu dib u soo magacaabi doono muddo 21 maalmood gudahood ah, isla markaana la filayo in mar kale ay goluhu ansixin doonaan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here