Xaraam Caleek Yaa Somaliland !! Ma Diirkaa Naxyno! Damqashada Aqoon! Ma Dareen Kaliya ! Dadnimaana Jirine!

0
925

Wallaahi Waa xaraam in maalin walba lagu dilo La Taliye Ciidan isaga u waajibkiisi gudanaya!! Ilaa maalinti aan siyaasada Somaliland soo dhex galay waxyeelada loo geesanayo Booliska Amma Ciidanka Somaliland tirada kor bay u dhaaftay malaha !!!

 

Waxaan is weydiiyaa tolow Somaliland Qiimaha Booliska amma Ciidamada Qaranku ay Ogu fadhiyaan wadamada Caalamka miyaanay ogeen ??? Inay xasaanad Leeyihiin O lama taabtaan ah miyaanay ogeen ???

 

Booliiska amma Ciidamada Qaranku maalinta xilka lagu wareejiyo waxay ku dhaartaan inay naftuuda u huraan qaranka iyo dawladuudaba.

 

Ma ogtahay xilka ay hayaan inoo yahay amaano culus ay dhabarka saarteen ? Ma ogtahay inoo Allaah dartiis ku shaqeenayo,inoo adiga iyo caruurtaada ilaaliyo intoo kuwiisa ka soo tagay ?

 

Ma ogtahay inoo adigana xil wayeni kaa saaran yahay inaad xaqdhawrtid masuulkaas o waajibka adiga ku saaran muadin ahaan u yahay inaad si daacad aad u la shaqaysid ?

 

Hadaba maxaa nafta looga jaray qof adiga naftaada Allaah ka sokow ilaaladeede hadh iy habeen u taagan ??

Aax Aax wallahi geerida La Taliyaha Booliska Allaah ha u naxariiste C/risaaq Yusuf Maxamuud Casayr aad ayay noo wada taabatay waayo waxay tahay dhacdo aad u xanuun badan , dhacdo o qof dhan o xilkiisi gudanaya lagu dilay bila sabab.

 

Dhacdadan xanuunka badan waxaan ku cambaareenaya dhamaan xukumada Somaliland gaar ahaan Wasiirka Amniga Mudane Waran Cade oo mudadan dheer ka aamusnaa xaalada cakiran ee ka taagneed Gobolka Saaxil Waxay ahayed in mar hore arintaas la qaboojiyaa oo wax laga qabtaa inataanay heerkaas foosha xun leh gaadhin.

 

Waxaanan Ku Canbaareynaya Wasiirka Amnika Mudane Waran Cade sababta Hubka ay shacabku u haysan karaan bilaa Rukhsad amma liisan ? Wadamada aduunka qofna ma qaadan karo Baastoolad Bila Fasaxa Wasaarada Amniga.?

 

Marka Sacaadat Al Wasiir bal sharciyada Wasaarada Aminka waa in dib loogu noqdaa o lagu soo kordhiya sharciga dhigaya inaano qofna qaadan kari Baastoolad amma Hub bilaa shuruud amma bilaa fasax oo waliba Age limit loo sameeya qofka qaadan karaa ay da’adiisu ka wayenaato 25 jir.

 

Waxaan Dhamaan Tacsi U Diraya Shacabka Somaliland , Ciidanka Booliska Somaliland , Eheladii iyo qaraabdii o ka geeriyooday Marxuum Taliyihii Qaybta Booliiska Gobolka Saaxil C/risaaq Yusuf Maxamuud Casayr oo maanta Deegaanka Biyoley ee Berbera lagu Toogtay.

 

 

La Taliyaha Arimaha Dibada Musharaxa Madaxwene Xisbiga Xisbiga

Samia Muse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here