Somaliland: Xaalada Gobolka Saaxil Oo Degen Iyo Isgaadhsiintii Khadadka Telefoonadda Oo Lasii Daayay.

0
790

BERBERA, (HargeisaPress) — Magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil oo tan iyo intii ay dabley hubaysani dileen taliyihii ciidamada booliska gobolka Saaxil ahayd mid xaaladeeda amaan qasnayd ayaa saaka ah mid jawigeedu degen yahay .

 

Waxaana sidoo kalena habeenimadii xalay xilli danbe lasii daayay isgaadhsiintii telefoonada oo muddo laba casho ahba ka maqnayd hawada magaalada berbera iyo nawaaxigeeda.

 

Wafti uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka Somaliland iyo wasiirka amniga Somaliland oo ku sugan magaalada berbera ayaa iyagu ku hawlan sidiii ay u dajin lahaayeen xaalada berbera, sidoo kalena waxay ciidamada boolisku ku daba jiraan soo qabashada dableydii dishay taliyaha.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Saaxil Xaamud Xuseen Cabdillahi
Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Saaxil Xaamud Xuseen Cabdillahi

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wararka naga soo gaadhaya magaaladana waxay sheegayaan in ay xukumadda Somaliland ay xabsiga u taxaabtay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Saaxil Xaamud Xuseen Cabdillahi iyo taliyihii saldhiga degmada sheikh mudane Aamiin, sidoo kalena wararkaas waxay intaas ku darayaan inay xukuumadda iyo odayaasha uu kasoo jeeday taliyuhu ay isla afgarteen in la aaso maydka marxuun taliye Casayr oo maydkiisu ku jiray talaagad iyadoona la filayo in la aaso maanta.

 

 

HargeisaPress kala Soco Wararka danbe…

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

fikirkaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here