Fanaanka Codka Macaan Ee Cabdirisaaq Rasta Oo Bandhig-Faneed Cajiiba Ku Qaban Doona Caasimada Sweden Ee Ha Moogaan Inaad Ka Qeybgasho.

0
845

Bandhig Faneed Cajiiba oo uu ku wado Fanaanka Codka macaan ee Cabdirisaaq Rasta, isla markaana ay ku wehelinayaan Fanaaniinta Cabdirisaaq fani raasta, Mukhtar Osmaan, Abdikhaadir ShikShik ,Hinda Habi iyo, Bandhig-Faneedka (Show-ga) Cajiiba ku qaban doona Magaalo madaxda dalka Sweden , waxaanu dadweynaha taageera u soo bandhigi doona Heesihiisa cajiibka ee ay dadku aadka u jecel yihiin.

 

Bandhig-Faneedka (Show-ga) oo ku raali-gelin doonaan dhamaan-ba dadka jecel fanka iyo suugaanta, gaar ahaan aadka u xiiseeya fanaanka Sanadka Cabdirisaaq fani rasta.

rasta sweden

Fanaanka sandka Cabdirisaaq fani rasta, ayaa waxa uu calanka u sidaa fanaanka wakhtigan, isaga oo ay aad u jecel yihiin dhamaan-ba dhalinyarada  Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, Waana fanaan ku caan baxay bashaashnimo, dad-jeceyl, farxad iyo qosol baddan oo dhoola-caddeeya marka uu heesayo. Waxaanan filayaa inuu raali-gelin doono dhamaan-ba reer Sweden.

rasta

 

Hadaba, ha moogaan inaad ka maqnaato Bandhig-suugaaneedkan uu Cabdirisaaq fani rasta u dhigi doono waxaana uu dhici doona 26-ka March 2016-ka. waxaad kala kulmi doontaa Heeso Cusub.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here