Somaliland: Wasiir Ku-xigeenka Qorsheynta Oo WFP Kala Wareegay Saddex Gaadhi

0
922

Hargeysa(Hargeisa Press.com):  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ahna ku simaha Wasiirka wasaaradaas Eng. Xuseen Ibraahin Buuni, ayaa maanta saddex Gaadhi kala wareegay hay’adda WFP.

Waxaana munaasibadan ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta Caafimaadka, Agaasimaha guud ee Waxbarashada iyo Sayniska, madax ka socotay hay’adda WFP iyo marti sharaf kale.

Wasiir ku xigeenka wasaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka Eng. Xuseen Ibraahin Buuni, oo halkaas ka hadlay ayaa ka mahad celiyey gaadiidkaas iyo mashaaariida kala ee ay hay’adda WFP kala shaqayso xukuumadda Somaliland.

Isagoo sheegay in Gaadiidkani wax weyn ka tari doono adeegyada ay bixiyaan wasaaradaha lagu wareejin doono gawaadhidaasi.

Wuxuuna Wasiir ku xigeenka Qorshayntu laba Gaadhi ku wareejiyey wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, halka uu Gaadhiga kale-na ku wareejiyey wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka.

Dhankooda-na waxa munaasibadaas ka hadlay wasiirka waxbarashada iyo Sayniska Md. Cismaan Jaamac Aadan iyo Wasiir ku xigeenka wasaradda horumarinta caafimaadka Md. Liibaan Yuusuf Cismaan, oo soo dhaweeyey deeqda Gaadiidka ah ee lagu wareejiyey.

Iyagoo sheegay inay ku soo beegmeen wakhtigii loo baahnaa. Waxaanay  u mahad celiyeen hay’adda WFP oo ay sheegeen inay mashaariico kale, kala shaqayso.

Dhankiisana madaxa hay’adda WFP, u qaabilsan Jamhuuriyadda Somaliland oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay Somaliland ka taageeraan marshaariic kala duwan.

Waxaanu tilmaamay in gaadiidkan ay wareejinayaan ay wax qayb weyn ka tari doonaan dardar galinta hawlaha shaqo ee wasaaradaha  loogu talo galay.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here