Maamulka Saaxil Oo Soo Dhaweeyey Ardaygii Gobolkaas ee soo baxay Barnaamijkii Shaqo Qaran

0
812

Berbera (Hargeisa Press.com): Maamulka gobolka Saaxil, masuuliyiinta laamaha kala duwan ee gobolka iyo dhallinyaro aad u tira badan ayaa magaaladda Berbera ku soo dhaweeyay Ardaydii Tababarka  mashruuca shaqo qaran ugu soo dhammaaday dugsiga tababarada ciidammada ee Dararawayne.

Ardayda ayaa magaalada Berbera markii lagu soo dhaweeyay waxa ay halkaasi ku soo bandhigeen gaardiska ciidammada ee lagu soo tabobaray muddadii ay ku sugnaayeen dugsiga tabobarka ee Dararawayne.

Guddoomiyha Gobolka Saaxil Eng. Axmed Cismaan Xasan, oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maalintii ugu horaysay ee ay Gobolka Saaxil ka anbabixiyeen dhallinyaradaasi iyo wakhtigan  uu faraq wayni u dhexeeyo, waxaanu ku tilmaamay kuwo aad u dhismay maskax ahaan iyo jidhahaanba.

Sidoo kale, Xoghayaha Dawladda hoose ee Magalada Berbera iyo Guddoomiyaha Guddida xuququl insaanka Qaranka ayaa dhallinyardaasi ku bogaadiyay sida ay dhalinyaradaasi ugu hagar bexeen qarankooda iyo in ay ka go’antahay in ay qarankooda difaacaan xili kasta oo loo baahdana ayna yihiin kayd qaran.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here