SOMALILAND: Waji gabax Mucaaradka ka soo waajahay hanashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada.

0
364

Hargeisa– Xisbiyadda Mucaaradka oo hore u sheegay in in ay isku raacsan yihiin in Cali Xaamud u sharaxanyahay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa hadana waxa isku soo taagay jagada guddoomiyaha Golaha Wakiilada Xildhibaan Maxamed Khadar oo ka soo baxay Xisbiga UCID.

Arintan ayaa u muuqata in ay tahay guuldarro ka soo waajahday Xisbiyadda Mucaaradka in ay ku guulaystaan kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo lagaga awood batay Xildhibaanada Golaha Wakiilada,taas oo ay ku adkaysan kari waayeen in Cali Xaamud Jibriil isku soo taago jagada Guddoomiyaha wakiilada isla,markaana ka tanaasulo hankiisii
Musharaxnimo ee Guddoomiyaha Wakiilada.

Xildhibaanada Taabacsan Urur Siyaasadeedka KAAH oo sabab u ahaa in markii hore ee loo doortay Cabdirisaaq khaliifkii huwanta ku biiray Guddoomiyaha Golaha Wakiilada,ayaa wakhti xaadirkan taabacsan in Xildhibaan Faratoon loo doorto guddoomiyaha Golaha Wakiilada.

Xildhibaanada taabacsan Xisbiga Kulmiye iyo Urur Siyaasadeedka KAAH ayaana isku raacsan in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada loo doorto Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo ah Siyaasi ruugcadaaya oo ka soo qayb qaatay dhismihii qaranka Somaliland,isla,markaana ay go,an tahay qaranimada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here