Faysal Cali Waraabe oo Hal Arrin Ku Boggaadiyay Ciidamada Qaranka Somaliland

0
982
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu ka hadlay weerarkii gaadmada ahaa ee Kooxaha Huwanta ee isa soo baahaystay ay shalay ku soo qaadeen Ciidamada Qaranka Somaliland.

Faysal Cali Waraabe oo qoraal ku baahiyay boggisa Twitter-ka, ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay guusha ay Ciidamada Qaranka Somaliland ay gaadheen dagaalkaas.

Guddoomiye Faysal, ayaa waxaa uu sheegay in nimanka kooxaha huwata ee dagaalka ku soo qaaday Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay gobolka Sool, ay yihiin Hadhaadigi Digtayterkii Siyaad Barre.

Sidoo kale, waxa uu xusay in weerarka Ciidanka Qaranka lala beegsaday shalay uu ahaa mid xaqdarro ah.

Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu Ciidamada Qaranka Somaliland ku boggaadiyay guusha ay ka gaadheen dagaalkii ay ku soo qaadeen kooxaha huwanta isa soo bahaysatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here