Somaliland: Taliyeyaasha CIX iyo Dab-demiska Oo Kulan La Yeeshay EUCAP

0
990

Hargaysa (HP): Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), ayaa kulan la qaatay Taliyaha ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL Sareeye guuto Axmed Hurre Haariye, iyo Madaxda haayada Eucap Somaliland.

Kulankan ayaa ka qabsoomay taliska guud ee ciidanka Dabdemiska ee magaalada Hargeysa.

Keneth Neinjenes Madaxa haayadaas iyo Paul Severinsen iyo Fahmi ayaa ka socday dhanka haayada Eucap.

Kulankan ayaa lagu lafaguray waxyaabaha labada dhinac hore u qorsheeyeen ee ku saabsan horumarinta ciidamada Qaranka Somaliland sida qalabada, tababarada iyo horumarinta kale wixii ka qabsoomay iyo sidii hore loogu socon lahaa iskaashiga labada dhinac.

Ugu dambayn kulankan ayaa ku soo dhamaaday jawi is afgarad, waxaanuu masuuliyiintaasi soo mareen qaybaha kala duwan ee taliska.

Muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab fadlan soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 guud ahaan gobolada Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here