Baarlamaanka Jabuuti Oo Guddoomiye U Doortay Dileyta Maxamed Dileyta

0
645

Jabuuti (HP): Baarlamaanka cusub ee dalka jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa maanta guddoomiye u doortay Dileyta Maxamed Dileyta.

Guddoomiyaha cusub ayaaa xubin ka ah xisbiga ugu aqlabiyadda badan dalkaasi ee baarlamaanka Jabuuti, ee isku tagga Dadweynaha iyo Horumarka.

Golaha Shacabka Jabuuti, ayaa maanta yeeshay kulankii ugu horeeyey ee Kal-fadhiga 1-aad ee golaha.

Guddoomiye Dileyta, ayaa wuxuu hore u noqday Ra’iisul wasaaraha Jabuuti, intii u dhaxaysay 7-dii bishii March, ee sanadkii 2001-kii, illaa iyo bishii March 31, ee snaadkii 2013-kii.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here