Somaliland: Qiimaha Doollarka Oo Gaadhay Halkii U Sarraysay, Silica Iyo Nolosha Adag Ee Dan Yarta Iyo Fashilka Xukuumadda Siilaanyo

0
1426
lacagta Somaliland

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Waxa maalinba maalinta ka danbaysa kor usii kacaya sarrifka qiimaha lacagta Dollarka oo gaadhaay abid halkii ugu saraysay taas oo marba marka kasii danbaysa uu sii kordhayo.

Waxaana sidoo kale hoos u dhac wayni ku yimi lacagtii Shilling Somaliland taas oo iyadu aan waxba u goynayn dadkii dan yarta ahaa ee ku noolaa gobolada iyo degmooyinka Somaliland kadib markii maceeshadii ay cirka isku shareertay uuna sababay kor u kaca ku yimi lacagta Dollarka.

Saaka oo Isniin ah waxa uu sarrifka Halka Dollar (1$) marayaa qadar lacaga oo dhan 9200 oo Shilling Somaliland (Sagaal Kun Iyo Laba Boqol oo Shilling Somaliland) halka marka aad rabto inaad Dollar qaadatona halka Dollar lagaa qaadayo qadar lacaga oo ku dhaw 10,000 (Toban Kun oo Shiling Somaliland ah).

Xukuumadda Somaliland iyo guddigii madaxwayne Siilaanyo u magacaabay la dagaalanka Sicir bararka ayaa ku fashilmay inay xal uΒ  helaan sicir bararkan dalka ka taagan,kor u kaca qiimaha dollarka iyo hoos u dhaca balaadhan ee lasoo darsay lacagtii Shilling Somaliland-ta ahaydΒ  taas oo taabatay noloshada bulshada dan yarta ee ku dhaqan gudaha Somaliland oo iyagu aan tahli Karin inay wax ku iibsadaan qiimaha Lacagta Shilling Somaliland.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa xal u helida sicir bararkan iyo waliba kor u qaadida qiimahaΒ  lacagta Somaliland waxa uu digreeto ku magacaabay guddi ka kooban wasiiro,wasiiro ku xigeen,agaasimayaal,Xeer ilaaliyaha guud iyo gudoomiyaha Baanka dhexe,taas oo aan la garanayn halka ay ku danbeeyeen,waxaana ay noqdeen kuwo fadhiid ah oo aan ka hawl galin arrimaha loo xil saaray ee xal u helida Sicir bararkan ragaadiyey shacabka Somaliland.

Ilaa hadda lama garanayo halka uu sal dhigan doono sicir bararkan dalka ka taagan,sidoo kalena waxaan la garanayn waxa iska badalay go’aanadii ay xukuumaddu kasoo saartay sicir bararka iyo sababaha ay u hirgali waayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here