Somaliland oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay Soomaaliya

0
2732

Hargeisa (Hargeisa Press) – Dawladda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, kaasi oo uu ku sheegay in Shirkadda DP World oo Maalgelinaysa Somaliland ay dhibaato ku hayso Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa Waraysi uu siiyey Telefiishanka Al-arabiya ku sheegay in shirkadda DP World oo Maalgelinaysa dekedda Berbera ee Somaliland ay khatar, Faro-gelin iyo kala qaybin.

Laakiin, War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Somaliland Maanta ayaa lagu sheegay in hadalka ka soo yeedhay Dawladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid la doonayo in lagu Carqaladeeyo xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

Ugu dambeyn dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si buuxda ugu wargalinaysaa dawladda Imaaraadka Carabta ee aannu walaalaha nahay, dawladdaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo adduunka intiisa kaleba in madaxbannaanida Somaliland tahay mid aan ka laabasho lahayn isla markaana dadka reer Somaliland diyaar u yihiin ka midho dhalinta qaddiyaddooda ay xaqa u leeyihiin wax kasta oo ay ku kacayso iyo wakhti kasta oo ay qaadanayso.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here