“Waxaa ka danbeeya dad danno gaara leh oo dantoodii ka dhex arki waayay seeraha Casuurra ee Yagoori”…

0
1480

Hargaysa (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan dad danno gaara leh cabashadda odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Yagoori ee gobolka Sool.

Cabashadasi oo  la xidhiidha Seerre-xiliyeed ay dhawaan wasaaradda deegaanku ka samaysay deegaanka Casuurra oo ku yaalla degmadda Yagoori ee gobolka Sool.

Waxaanu sheegay in markii ay dhawaan Seeraha deegaanka Casuurra soo xidhayeen ay dadka deegaanka Yagoori si wanaagsan u soo dhaweeyeen, hase yeeshee dad danno siyaasadeed iyo dannahoodii gaarka ahaa ka dhex arki waayay ay ka danbeeyaan.

C/naasir Axmed Xirsi, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka jawaabay cabashadda ka soo yeedhay qaar ka mida odayaal ka soo jeedda gobolka Sool oo dhawaan sheegay in ay ka soo hor jeedaan Seere-xiliyeedyo ay wasaaradda deegaanka Somaliland ka xidhayso deegaanka Yagoori ee gobolka Sool.

Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka ayaa ku booriyay madax dhaqameedka iyo dadka deegaankaasi in waxyaabo badan oo faa’iido ah ugu jiraan hirgelinta xidhitaanka Seeraha Casuurr.

Waxaanu sheegay in ka hor intii aanay xoolaha ka xidhin seeraha Casuura ay wasaaradu qiimayn iyo kormeero ku soo samaysay, isla markaana ay shirar iyo kulamo la qaateen bulshadda deegaanka Yagoori.

Kuwaasoo ay isla qaateen in loo xidho seerahaasi, balse ay shaqsiyaad kale oo aan danta shacabka doonaynin ay ka xun yihiin horumarka u soo kordhay dadka deegaankaasi.

Waxaanu yidhi, “Runtii lagama dul degin uun, wasaaradu hore wacyigelin way u samaysay, gobolka way tagtay, bulshada-na way la kulantay, si wanaagsan ayaanay bulshadu u soo dhawaysay.

Waxaana ka markhaati ah, maalintii aanu Seerraha furaynay sidii ay bulshadda deegaanka Yagoori,  ay diyaarka ugu ahaayeen ee ay u soo dhawaynayeen, hadaladii ay madasha ka jeediyeen ayaana markhaati ka ah.

Hore-na wasiirka deegaanka ayaa u tagtay, in badan ayaana lagu noq-noqday. Maamulka gobolka Sool, iyo wasaaradda deegaanka gobolka Sool, dedaal badan ayay runtii geliyeen”.

C/naasir Axmed Xirsi, waxa kaloo uu sheegay in dadka deegaanka Yagoori ay yihiin dad bisil, isla markaana diyaar u ah in wax looqabto, balse ay shaqsiyaad danno gaara leh doonayaan in ay danahooda uga faa’iidaystaan.

“Dadku waa dad bisil, oo u diyaar ah in wax loo qabto, oo dantoodda wax lagala qabto. Laakiin, waxaa jira mar kastoo wax la qabanayo, ama horumar ha ahaato ama arrin kale ha ahaatee, ee deegaanka wax laga fulinayo, oo ay dawladu ka fulinayso, waxaa jira dad kale oo danno gaara ka leh, o danno siysaasadeed  leh, oo danahoodii meesha ka dhex arki kari waayeen ayaa dhici karta.

Dadkaasi inta badan waxay isku dayaan in ay bulshadda xoolo dhaqatadda ah iyo dadka wax loo fulinayo, ee wax lala qabanayo, ay ugu dhigaan wejigii wanaagsanaa ee wax loogu qabanayay, weji kaloo ka gedisan” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland.

Geesta kale C/naasir Xirsi, waxa uu faahfaahin ka bixiyay u jeedadda ay wasaaradu ka leedahay xidhitaanka Seeraha Casuurra iyo seereyaal kaloo badan oo goboladda dalka laga xidhi doono.

Waxaanu tilmaamay in ka sekow xidhitaanka seeraha Casuura in dad badani ay ka shaqo gelayaan in ay intaa dheer tahay mashaariic kale oo ay dawladu ka fulin doonto deegaankaasi.

Waxaanu yidhi, “Waxaan mar kale halkan ka cadaynaynaa, in u jeedadda ugu weyn ee dawladu ka leedahay Seerraha Casuurra, iyo Seerraha Ban-cawl iyo seereyaasha kale ee soo socda ay tahay, in dadkeena reer guuraaga ah iyo xoolahoodu ay ku bad-baadaan, xiliga Jiilaalka ah.

Sidaa awgeed, waxaa Seerrahaasi la xidhayaa saddexda bilood ee roobku ku da’ayo ee Gu’ga iyo Dayrta ah, ayaa xoolaha laga xidhayaa. Taar iyo Silig-na lagu xidhi maayee… waxa kaloo ay wasaaradu deegaankii ku soo kordhinaysaa shaqo abuur iyo mashaariic kale ayaa lagu soo kordhin doonaa.

Sidii dhulka Ciid celin loogu samayn lahaa, ee Daadadka jeexaya dhulka looga hagaajin lahaa, ayaa dawladda qorshaha ugu jirta. 34 qof ayaa maanta ka shaqaynaya Seerraha Ban-cawl, oo dadka deegaanka u dhashay ama ku hareeraysan ah”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Casuurra, sidaa si la mid ah dad dhawr iyo sodon qof ah ayaa ka shaqaynaya. Waa horumar iyo waxtar dheeraad ah,  oo dadkii deegaanka loo soo kordhiyay. Markaa si looga leexiyo dadka deegaanka, horumarka iyo wanaaga u soo kordhay, ayaa dad danno gaara leh, ayaa mar walba isku daya in ay faro geliyaan”ayuu yidhi C/naasir.

Dhinaca kale C/naasri Axmed Xirsi, waxa uu kula dar-daarmay bulshadda deegaanka Yagoori in ay ilaashadaan mashaariicdan horumarineed ay dawladu ku soo kordhisay deegaankoodii.

Iyadoo ay jiraan gobolo iyo degmooyin kaloo aad u doonaya in iyaga dhulkoodda looga xidho seereyaal. Waxaanu yidhi, “Markaa waxaanu ku boorinaynaa, dadka deegaanka Casuurra, in ay ilaashadaan Seereyaashoodda. In ay ilaashadaan horumarkaa  balaadhan ee dawladu u keentay.

Iyadoo goboladii kale ee dalka iyo degmooyinkii kale-ba, ay dal-banayaan, oo ay u baahan yihiin, in iyaga-na Seerreyaal loo xidho, in hada-na iyaga (Casuurra) loo gartay in ay ugu horeeyaan, waxaan u soo jeedinayaa in ay ilaashadaan”.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here