Somaliland oo Shaacisay Kiisas Cusub oo Coronavirus Ah

0
2037

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta markale shaacisay Kiisas cusub oo cudurka safmarka ah ee Coronavirus, xili uu si weyn ugu faafay dalka.

Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa maanta warbixinteedii maalinlaha aheyd ku shaacisay inay soo kordheen 3-kiis oo cusub, kuwaasi kala ah Laba rag ah iyo hal dumar ah.

Warbixinta wasaarada ayaa sidoo kale lagu sheegay in Saddexdaasi ruux ee maanta laga helay cudurka ay kala joogaan gobolada Maroodi-jeex iyo Saaxil, iyada oo hore looga helay goboladaasi kiisas hor leh.

Tirada guud ee Coronaha ee Somaliland ayaa maanta gaadhay 43-kiis, halka tirada dhimashadu ay tahay 5-ruux, taasi oo ka badan dadka kasoo bogsaday cudurka ee ku nool Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here