Dowladda Jabuuti oo Sheegtay Inay 7 Bilood Ka Hor Bixisay Lacagihii Gurmadka Baladweyne

0
1617

Djibouti (Hargeisa Press) – Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay in ay 7 bilood ka hor ku wareejisay wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musoobooyinka Soomaaliya lacag dhan $600,000, taasoo loogu talo galay gurmadka fatahaada Baladweyne.

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan (Belello), ayaa sheegay dowladdiisu inay kasoo baxday wakhtigii loogu talo galay inay dhaqaalahaas kusoo gaadhsiiso Soomaaliya, balse ayna masuul ka ahayn habka loo maamulay iyo inay ku far galiyaan dowladda oo ay gargaarkan ku hagaajiyeen.

“Anagu inaan dowladda Soomaaliya u maamulno ma aha waajibaadkayaga. Kalsooni weyn ayaan ku qabnaa wixii shicibkooda loogu dhiibo inay gaadhsiinayaan,” ayuu yidhi  Aadan Xasan Aadan.

Guddigii fatahaada Baladweyne ayaa dhawaan Soomaaliya dowladda ku eedeeyay bixin weyday lacagihii gurmadka Baladweyne. Laakiin maalin kadib warkaas madaxweynaha Hirshabelle ayaa bartiisa twitterka kusoo bandhigay lacagtii dowladda Jabuuti ugu talo galay Baladweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here