Somaliland Oo Ka Noqotay Heshiiskii Imaaraadka Ee Garoonka Diyaaradaha Berbera

0
729

Berbera (Hargeisa Press.com): Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay gebi ahaanba joojisay qorshihii dawladda isu-taga imaaraadka Carabtu saldhiga milateri kaga dhisanaysay garoonka diyaaradaha magaaladda Berbera.

Waxaana taa bedelkeedda garoonka diyaaradaha Berbera laga dhigi doonaa mid shacab oo ay diyaaradaha rakaabka iyo kuwa kaargoogu isticmaali doonaan.

Sidaasina waxaa sheegay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo safar ku jooga magaaladda Berbera oo maanta soo kormeeray goobo mashaariic horumarineed ka socdaan oo garoonka diyaaruhu-na ka mid ahaa.

Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu sheegay in isbedel lagu sameeyay qorshihii hore ee Β imaaraadka Carabtu saldhiga milateri kaga dhiganayay madaarka Berbera, isla markaana wixii hadda ka danbeeya uu noqon doono garoon u adeega shacabka oo laga soo degi doonaan lagana dhoofi doono.

β€œGaroonkii diyaaradaha Berbera, oo in badan lagu murmayay, ee imaaraadku dhisayeen, ee waa ciidan iyo ciidankani muxuu ahaa la lahaa. Ciidankii waan ka joojiyay, oo shicib (civil) maanta”ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxa kaloo uu sheegay madaxweynaha Somaliland in todobaadyadda soo socda ay Berbera iman doonto shirkadii garoonka ku rakibi lahayd qalabka diyaaradaha lagu hago.

Isagoo xusay in madaarka diyaaradaha Berbera uu noqon doono mid ay yimaadaan diyaaradaha isaga kala gooshaya wadamadda mandaqadda Geeska Afrika.

Waxaanu yidhiΒ  β€œTodobaadkana waxaa imanaysa, shirkadii dhisaysay madaarka iyo Taawarka, ee u rakibaysay qalabkii ay diyaaraduhu ku soo degayeen.

Wuxuu noqon doonaa garoonka ugu weyn bariga Afrika, waana 5KM oo dhinac walba u banaan, oo Baddii ku ag yaalla, oo cusub.

Marka qalabkiisa lagu darro waxaan ku tallo gelaynaa, in uu noqdo garoonka dekadda Berbera ka shaqo badan, oo diyaaradaha ugu waaweyni ka qaadi doonaan alaabta. Cirka waa looga imanayaa, Baddiina waa looga imanayaa, berrigiina waa looga imanayaa”.

Dhinaca kale tallaabadan cusub ee uu maanta shaaciyay madaxweyne Biixi ayaa lagu tilmaamay mid dalabkeedu ka yimid dhanka dawladda isu-taga imaaraadka carabta.

Taasoo la sheegay in ay dhawaan Somaliland u sheegtay in ay ka noqotay qorsheheedii ay ku doonaysay in ay saldhig ciidan kaga dhisato garoonka diyaaradaha Berbera.

Iyadoo Somaliland-na dalabkaasi ka aqbashay imaaraadka, isla markaana soo dhawaysay.

Ma jiro war rasmiya oo arrintan la xidhiidha oo ka soo baxay dhinaca dawladda isu-taga imaaraadka carabta oo cadaynaya sababta ay uga noqotay rabitaankeedii ahaa in ay saldhiga ciidamadda cirka ah ka dhigato madaarka diyaaradaha Berbera.

Kaasoo imaaraadka carabtu horaantii sanadkii 2017-kii uu heshiis kula galay xukuumadii madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here