“Sanadkii ina dhaafay sicir bararku wuxuu marayay 18% halka uu imika ka marayo 5%”… wasiirka maaliyadda

0
524

Hargaysa (Hargeisa Press.com)-Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa sheegay in ay u qorshaysan tahay sidii ay u fadhiisin lahaayeen qiimaha lacagta shillinka Somaliland si ay dadku uga maar-maan lacagta dollarka.

Waxaanu tilmaamay in kal-soonidda ay imika dadka reer Somaliland ku qabaan lacagteena way korodhay. Taasina ay ku imanayso marka wax soo saarka dalku  kordho ee caalamka wax laga iibiyo.

Isagoo xusay in  xilalka wasaaradda maaliyadda iyo baanka dhexe ka dhexeeya ay ka mid tahay fadhiisinta sicirka lacagta dalka.

Dr. Sacad Cali Shirre, waxa kaloo uu sheegay in ay ku guulaysteen in hoos loo dhigo sicir bararka, isla markaana sanadkii la soo dhaafay sicir bararku uu marayay 18%  halka uu imika marayo 5%.

Wasiirka maaliyadda Somaliland waxa uu sidan ku sheegay waraysi dheer oo dhinacyo badan taanaya oo uu la yeeshay Wariye M Jawhar Xusen oo ka tirsan telefishanka Star, waxaanu sheegay in  ay jiraan lacago qalaad oo is dhex socda suuqyadda iyo sayladaha Somaliland oo wax lagu kala iibsado, isla markaana sharciyan uu dalka hal lacag oo ah shillinka Somaliland  leeyahay.

Hase yeeshee ay dhaqan noqotay in bulshadda badankeedu ay isticmaalaan lacagta dollarka, taasoo ay sabab u tahay in suuqu la jaan qaado hadba lacagta qalaad ee isticmaalkeedu badan yahay.

Wasiirku waxa kaloo waraysigaasi uu kaga hadlay cashuuraha ay wasaaradda maaliyadu qaado gaar ahaana lacagta waddo marista  oo lixdii biloodba mar laga qaado gadiidka shacabka.

Sidoo kale wasiir Sacad, waxaa wax laga waydiiyay gaadiidka raaxadda oo marka ay dekadda ka soo degayan cashuurta lagu kordhiyay iyo sidoo kale.

Halkan Hoose Ka Daawo Waraysigasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here