Somaliland oo Hirgelinaysa Isfahamkii Ay La Gashay Dowladda Itoobiya

0
1421

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay sheegtay in ay si buuxda u hirgalinayso isfahamkii ay dhowaan la gashay dowladda Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud, oo shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiska Somaliland ee Itoobiya, ayaa warbaahinta Itoobiya u sheegay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid barwaaqo u horseedi doona labada dhinac.

Wasiirka, ayaa waxaa uu sheegay in wefti ahaan ay sharaxaad ka bixiyeen arragtida ku aadan is-fahamka ay Somaliland iyo Itoobiya wadagaleen.

Wuxuu sheegay in isfahanka labada dowladood waafaqsan shuruucda caalamiga ah, lakiin ah mid is badal togan u horseedaya Somaliland iyo Itoobiya, marka ay noqoto dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo amaanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud, ayaa waxa uu sheegay in aan la malaysan karin faa’iidada laga dhaxli doono is-fahamka Somaliland iyo Itoobiya, sidaa darteed na ay Somaliland ka go’antahay in ay hirgaliso, isaga oo sheegay in guddi aqoonyahano ah loo xilsaaray.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhawaan magacaabay guddi ka kooban 8 xubnood, oo uu hoggaaminayo Amb. Baashe Cawil, kuwaasi oo ka shaqayn doona sidii is-fahamka loogu badali lahaa heshiis dhab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here