Madaxweyne Biixi oo Ku Adkaystay Inuu Fulayo Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

0
1898

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu si adag ugu adkaystay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, uu fuli doono, islamarkaana aanay Soomaaliya hor istaagi karin Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxaa kale oo uu Soomaaliya ku eedeeyay in ay caddaysatay in ay aaminsantahay in Somaliland aanay wax jira ahayn, islamarkaana ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.

Waxaa uu Madaxweynaha Somaliland uu si gaar ah u eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu sheegay in uu si gaar ah ugu xadgudbay Somaliland, isagoona ku eedeeyay in uu kali ah rabo in uu heshiiska saxeexo.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa uu sheegay in adduunku uu dano iswaydaarsanayo oo aanay cidina cid faro madhan waxba siinayn, haseyeeshee ay Somaliland iyo Itoobiya ku heshiiyeen in ay danahooda mideeyaan si mid waliba uu dantiisa u gaadho, islamarkaana ay Itoobiya diyaar la tahay aqoonsiga Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here