Maxkamadda Degmada Hargeysa oo Xukun Ku Ridday Haweenay Cayday Alle

0
942
Xukun Ku Ridday Haweenay Cayday Alle

Hargeysa (Hargeisa Press)- Maxkamadda degmada Hargeysa, ayaa waxaa ay xukun adag ku riday Haweenay la sheegay in Allaha weyn ee khaaliqa ah ay “cayday”.

Haweenaydan la sheegay inay cayday Alle subxaana watacaalaa, ayaa waxaa ay Maxkamadda degmada Hargeysa ay ku xukuntay saddex sano oo xadhig ah.

Geesta kale, Maxkamadda degmada Hargeysa, ayaa waxaa ay xukun mid hal sano iyo lix bilood oo xadhig ah ku riday laba haween ah oo kale, kuwaas oo lagu helay falal dhaqan xumo ah.

Haweenkan ay Maxkamadda degmadu xukunada kala duwan ku riday, ayaa dhawaan waxaa gacanta ku soo dhigay Ciidamada Booliska Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here