Somaliland oo 8 nin dil toogasho ah ku Xukuntay

0
943
News

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Somaliland ayaa sideed nin ku xukuntay dil toogasho ah sida uu BBC-da u xaqiijiyay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka-sida ee derejada kowaad Koroneyl Yuusuf Faarax Sharma’arke.

 

Siddeed nin waxaa lagu helay in ay rasaas kuwada rideen oo ay dileen taliyihii qaybta boliiska gobolka Saaxil ee Berbera gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf labadii bishii saddexaad ee sanadkan.

 

Dilkaasi ayaa ka dhacay bariga berbera, dhamaan dadka dilkaas loo xukumayna waxay ka soo jeedaan isla Berbera.

 

Gudoomiyaha maxkamadu wuxuu sheegay in siddeed nin oo kale oo isla degaankasi ka soo jeeda lagu xukumay midkiiba todoba sano oo xarig ciidan ah, iyagoo weeraray tuulada ceel-garde sanadkan horaantiisii.

 

Qareenka difaacayay dadkan lagu xukumay dilka iyo xabsiga dheer garyaqaan Maxamed Jaamac Cabdi ayaa xukunkan ku tilmaamay mid cadaaladda ka fog oo siyaasadaysan.

 

Wuxuu hadalkiisa ku xoojiyay in dadkan oo dhammaan rayid ah ah aanay maxkamad milleteri sharci u lahayn inay qaaddo dacwadooda, qareenku wuxuu sheegay in ay maxkamadaha sharciga u leh u qaadanayaan Rafcaan.

 

Source: BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here