Somaliland: Maayarka Magaalada Togwajaale Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Warar Saxaafadu ka qortay

0
803

Tog- Wajaale, (HargeisaPress) —Mayaarka magaalada Togwajaale Cabdicasiis  Saleebaan xasan kooshin ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar been abuura oo warbaahinta qarka ka faafiyeen sidoo kale maayarka ayaa ka warbixiyay hawlago ay saaka fuliyeen.

 

Maayarka magaalo ganacsiyeedka Togwajaale Cabdicsiis saleeban xasan koshin oo khadka Telfoonka ugu waramay shabakada wararka ee Wajaalenews ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sida uu sheegay laga been abuuray kaasi oo lagu eedeeyay in uu nin ganacsade ah baaskoolad ku qabtay.

 

Hadaba Maayarka oo Arimahaasi ka hadlay ayaa wuxu yidhi, waxaanu ku jirnay  hawl maalmeed kagaygii  caadi ahaa mana jirto cid aanu isku dhacday  wararkaa  lafaafiyayna waa war been abuur cida qortayna iyada ayaa soo caday halka ay ka dhacday.

 

Waxaa jirta meel   jago ah oo ninkii lahaana joogo nin kale isku dayay in uu Albaab kusoo jeediyo Ayaanu  ka horjoognay mana jirto wax gaara oo aniga ahaan na dhexmaray ninkan ay sheegayaana labadaya Aqal Ayaaba Isku Xiga”

 

Waxayna kamid ahayd uun hawlmaalmeedkii caadiga ahayd.Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi.warbaahinta waxaan usoo jeedinayaa in aanay abuurin warar aan jirin oo umada fidmo ka dhex abuuri kara waxaana muhiima inta aydaan warka baafin in aad waxnaga waydiisaan.

 

si kastaba ha ahaatee magaalo ganacsiyeeda Togwajaale ayaa ah meel u baahan in aan bulshada wada joogta wax fidma ah laga dhex abuurin mada ay ku taalo meel xuduuda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here