Dowladaha Hoose oo Lagu Tababarayo Tayeynta Xirfadaha Cashuuraha

0
264

Hargeysa (HP): Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa maanta tababar u furay hawl-wadaano ka tirsan dawladaha hoose.

Tababarkani ayaa ku saabsan qorshaha Kordhinta Dakhliga Cashuuraha Dawladaha Hoose iyo Tayeynta Xirfadaha Shaqaalaha Cashuuraha.

Waxaana tababarkaasi ka soo qayb galay Agaasimayaasha Waaxyaha Cashuuraha,
Agaasimeyaasha Waaxyaha Hantidhawr-Ka Gudaha, Agaasimeyaasha Waaxyaha Qorsheynta, iyo Saraakiisha Cashuuraha
ee degmooyinka Derajada A-da ee JSL.

Tabobarkan oo uu soo qaban-qaabiyey Machadka Dawladaha Hoose (LGI) ayaa socon doona muddo afar maalmood ah, kaasoo lagu baran doono xirfadaha Kobcinta Dakhliga Cashuuraha Dawladdaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here