Golaha Wasiirrada JSL Oo Ansixiyay Miisaaniyad Sannadeedka 2024-ka

0
132

Hargaysa (HP): Fadhigii 122aad ee golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa maanta la hor keenay Miisaaniyad sannadeedka 2024-ka oo Oddoroskeeda Miisaaniyadda Dawladda Dhexe ee sannadkan lagu saleeyey Difaaca iyo Doorashooyinka dalka.

Miisaaniyad-sannadeedka 2024-ka oo ay golaha hor-keentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa cadadkeedu dhammaa 3,432,316,337.448 (Saddex Tiriliyan, Afar boqol iyo laba iyo soddon Bilyan, saddex boqol iyo lix iyo toban Milyan, saddex boqol toddoba iyo soddon kun, Afar Boqol iyo siddeed iyo afartan) Somaliland shiling ah, taas oo ka kooban

• Miisaaniyadda guud ee dawladda

• Miisaaniyadda Dawladda dhexe

• Miisaaniyadda dawladaha hoose

• Hay’addaha Madaxa Bannaan

• Mashaariicda Baanka Adduunka

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo dul istaagay golahana u akhriyey oddoroska miisaaniyadda iyo sida ay ka wasaarad ahaan xilka iskaga saareen.

Iyagoo gudanaaya waajibaadka Dastuurka Qaranka qodobkiisa 55aad farqadiisa 1aad iyo xeerka maamulka maaliyadda Xeer No. 75/2016 qodobkiisa 5aad, waxa uu sharraxay meelaha iyo miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2024-ku diiradda saarayso iyo meelaha la filayo inuu dakhligu kasoo xeroodo, iyaga oo xubnaha wasiirradu gudo galay dood iyo falanqayn dheer oo ku saabsan oddoroska miisaaniyadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa doodda kaddib cod geliyey anisixinta oddoroska miisaaniyadda sannadka.

Waxaanay golaha wasiirradu cod aqlabiyad ah oo gacan taag ah ku meel mariyeen oddoroska miisaaniyadda 33-aad ee qaranku yeesho oo loo gudbin doonaa golaha wakiillada Somaliland si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
Miisaaniyadda sannadka 2024-ka waxa hoggaaminaya oo udub-dhexaad u ah qodobbadan soo socda:

• Did-u-dhiska difaaca dalka,

• kharashka doorashooyinka

• Isku dheellitirka dakhliga iyo kharashka,

• xakamaynta sicir-bararka,

• Kor u qaadista adeegga garsoorka,

• dhiirrigelinta wax soo saarka,

Ugu danbayntiina Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa loo qaybiyey si ay u soo akhriyaan Xeerka Rahanka Hantida Maguurtada ah ee Bangiyada xeer Lr.XX/2023.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir.

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here