Somalia: Meydadka Dadkii Ay Al-shabaab Laysey oo La Soo Bandhigay

0
675

Beledweyne (Hargeisa Press) – Xarakada Ururka Al-shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda weerar lagu laayay dad shacab ah deegaanka u dhexeeya Magaalada Beledwayne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Tirada dadkaa, ayaa lagu soo waramayaa in ay gaadhay ku dhowaad 30 dhimasho ah, halka tiro intaa ka baddan oo dhaawacyo soo gaadheen loola cararay Cusbitaalka Beledweyne.

Al-shabaab, ayaa sheegay weerarka lagu laayay dadkaa, iyagoo ku tilmaamay in dadka ay dileen ahaayeen kuwo ka tirsan Ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiislayda ee dagaalka kula jiray.

Qoraal lagu daabacay Warbaahinta inta baddan baahisa wararka xarakada Al shabaab, ayaa lagu xaqiijiyay in dadkaasi ahaayeen 20 ka mid ah maleeshiyadii Macawislayda iyo xubnihii gurmadka u waday, kuwaas oo Al-shabaab sheegtay in isla goobta lagu dilay.

Sidoo kale, bayaanka Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in goobta la gubay 8 ka mid ah gaadiidkii ay wateen, halka qaar kamid ah gaadiidkiina ay gacanta u galeen ciidamadooda hawlgalka fuliyay.

Dhinaca kale, wararka ka imanaya deegaanka, ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay weerarka Al-shabaab, ka baddan yihiin inta ay sheegtay xarakadu, iyadoo wararkaasi sheegayaan in tirada dhimashada dadka lala laayay ay gaadhay in ka baddan 30 qof, halka dhaawacuna yahay tiro intaa ka baddan oo la geeyay cusbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne.

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa si kulul ugu eeddaysay Al-shabaab weerarka oo sheegeen in ay dad shacab ah ku xasuuqeen.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa canbaareeyay weerarka dadka shacabka lagu qaaday, isagoo dusha u saaray Al-shabaab, isla markaana wuxuu xusay in Al-shabaab ku gubeen 7 gaadhi iyo hantidii saarnayd, deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

“In la laayo dad Muslimiin ah, masaakiin ah, shacab xoogsato ah, isla markaana la gubo gaadiidkooda oo dab la qabadsiiyo hantidoodii waa fal aan sal iyo raad ku lahayn diinteena suubban, waa dhaqan xun oo Islaamnimada ka baxsan, waa astaan muujinaysa cadawtinimada iyo nacaybka gaamuray ee ay Al-Shabaab u hayaan shacabka Soomaaliya” ayuu yidhi, Ra’iisal Wasaare Barre, wuxuuna ka tacsiyeeyay eheladii iyo qoysaskii dadkooda la laayay.

Muuqaalo sawirro laga soo qaaday goobta, ayaa muujinaya tiro maydad ah oo is dhinac yaal, kuwaasi oo saxaafada loo soo bandhigay, iyadoo xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya sheegtay in ay yihiin dad shacab ah oo ka yimi Beledweyne, kuwaas ahaa dadkii Al-shabaab ku dileen weerarka.

Dagaalo, ayaa maalmahan ka socday deegaanka Hiiraan iyo deegaamo kale oo ku dhow, waxayna dagaaladu u dhexeeyeen xarakada Al-shabaab iyo ciidanka Macawislayda ee deegaanka oo taageero ka helaya ciidamada dowladda Federaalka.

Saraakiisha ciidamada Soomaaliya ee ku sugan gobolka, ayaa ku amaanay sida ay ciidanka Macawislayda ee deegaanku uga saareen Al-shabaab meelo baddan oo ka mid ah deegaanka.

May be an image of outdoors

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here