Maxkamadda G.Maroodijeex Oo Xukunno Ku Ridday Ajaanib Dhoofinayay Xayawaan

0
568

Hargaysa (HP): Maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday laba qof oo ku eedaysnaa in ay duur joogta dalka si sharci darro ah uga ganacsanayeen.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex, ayaa sheegay in maxkamadu ay denbi ku heshay labadaasi eedaysane, oo midkood uu ajaanib yahay una dhashay dalka Masar. Halka midka kale na uu maqane ahaa.
Ninkan maqanaha ahaa ayaa la sheegay inuu ninka ajaanibka ah kala shaqaynayay soo ururinta xayawaankaasi.
“Maxkamadda gobolka Maroodijeex, waxay denbi ku heshay danbiileyaasha kala ah Marci Risqi Talba (u dhashay Masar), iyo Yuusuf Maxamed Cali, oo maqane ah.
Maxkamadu waxay ku xukuntay ajaanibka  40 milyan oo shillin oo ganaax maaliyadeed ah. Waxa kaloo ay maxkamadu amraysaa taliyaha laanta socdaalka Somaliland in ninkaasi dalka laga masaafuriyo marka uu shubo lacagtaa ganaaxa ah.
Yuusuf, ayaa lagu xukumay laba sanadood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed” ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijee.
Waya kaloo uu guddoomiyuhu sheegay in maxkamadu ay xayawaankaasi ku wareejisay wasaaradda deegaanka.
Waxaanu yidhi “Maxkamadu waxay ku wareejisay wasaaradda degaanka iyo isbedelka cimiladda 100 xabadood oo xayawaanka Caasha-badhida ah, iyo Dirxi, iyo Diir, isugu jira. Si loo geeyo, deegaankii markii hore laga soo qaaday.
Xukunsanaha maqan waxaa xukunka looga bilaabayaa maalinta la soo qabto, ee maxkamadda la hor keeno”.
Xukunkan ay maxkamadu riday waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha duur joogta ee wasaaradda deegaanka Somaliland C/naasir Xuseen Siciid, iyo masuuliyiin kale oo tirsan wasaaradaasi.
Maxkamadda ayaa xukunka eedaysaneyaasha u cuskatay xeerka lanbarkiisu yahay 113 ee xeerka ciqaabta guud.
Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in ninka Masaariga ah uu dalka Somaliland sifo sharci darro ah ku soo galay, isla markaana uu sharci darro dalka kaga ugaadhsanayay Xamaarratadaasi oo isugu jirtay Caasha-badhi, Diir, iyo Dirxi.
Mazaarida iyo imaaraadka ayaa ugu badan ajaanibka sida sharci darada ah duur joogta Somaliland uga ganacsada.
Sida ay sheegeen masuuliyiinta wasaaradda deegaanka Somaliland ee maxkamadda goob jooga ka ahaa.

Geesta kale masuuliyiinta wasaaradda deegaanka ee maxkamadda joogay yaa xukunka maxkamadda soo dhaweeyay, waxaanay sheegeen inuu yahay mid wanaagsan, isla markaana ay ku qanacsan yihiin. Iyadoo xukunka raggaasi loo maray xeer Lr. 69 ee xeerka ilaalinta Kaymaha iyo duur joogta Somaliland.
Waxaanay masuuliyiintaasi u mahad celiyeen xeer ilaalinta, maxkamadda iyo ciidamadda booliska ee kala shaqeeyay sidii raggaasi loo xukumi lahaa.
Dhinaca kale nimankan ay maanta maxkamadu xukuntay ayaa laba todobaad ka hor laga soo qabtay xaafadda Masalaha ee Koonfurta caasimadda Hargaysa, halkaasoo guri ku yaalla ay ku haysteen xayawaankani, oo ay qorshaynayeen in ay si qarsoodi ah dalka uga dhoofiyaan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here