Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo Deg-Deg Loogu Yeedhay Inay Shaqada Soo Galaan

0
1010

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xildhibaanada aqalka golaha Wakiilada Somaliland, ayaa waxaa si deg deg ah loogu yeedhay inay ku soo noqdaan shaqada golahaasi, sida lagu sheegay bayaan maanta ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada, Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Xildhibaanada, ayaa waxaa lagu war-geliyay in kal-fadhigii 4aad ee caadiga ahaa uu furmi doono 05/09/2022 oo ah Maalinta Isniinta, Saacadu markay tahay 8:30AM (Subaxnimo), islamrkaana ay dhamaantood ka soo xaadiraan fadhigaasi.

Bayaanka, ayaa sidoo kale lagu sheegay in xildhibaanada lagu adkaynayo kuwa dalka jooga iyo kuwa dibedda joogaba ee aan Golaha wax fasax ah ka haysan inay soo galaan Shaqadooda Wakhtigana dhowraan.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here