SOM Power Oo Ka Mid Noqotay Cashuur Bixiyeyaashii Ugu Wanaagsanaa 2021-ka

0
363

Hargaysa (HP): Shirkadda SOM Power oo ka mid ah shirkadaha bixiya addeega korontadda ee Somaliland ka hawl galla ayaa ka mid noqotay 31-ka cashuur bixiye ee ugu wanaagsan sanadkan 2021-ka dalkoo dhan.
Iyadoona wasaaradda Maaliyadda Somaliland ay abaal-marinno guddoonsiisay 31-kaasi shirkadood ee noqday kuwii ugu wanaagsanaa dhinaca cashuur bixinta ee sanadkan sii dhamaanaya ee 2021-ka.
Waxaana shirkadda SOM Power abaal-marintaasi u guddoomay C/laahi Beershiya, oo ah guddoomiyaha shirkadaasi oo munaasibadii abaal-marinata lagu guddoonsiinayay ka hadlay ayaa ka dareen celiyay in shirkadoodu ay ka mid noqotay ganacsatadda la abaal-mariyay.

Waxaanu guddoomiyaha shirkadda SOM Power wasaaradda Maaliyadda Somaliland ku amaanay shaqadda ay dalka u hayaan iyo in ay abaal-mariyeen cashuur bixiyeyaashii ugu wanaagsanaa, si ay u dhiiri geliyaan.
C/laahi Beershiya, ayaa balan qaaday in ay ka shirkad ahaan sii kordhin doonaan addeegga bixinta korontadda ee ay bulshadda reer Somaliland siiyaan, isla markaana ay si hufan u bixin doonaan cashuuraha ku waajibay.
Waxaana abaal-marinahaasi shirkadaha 31-ka ahaa guddoonsiiyay wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi Maxamed Cabdi Gurxan.

HALKAN KA DAAWO: Guddoomiyaha SOM Power Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here