Axmed Mirre Oo Dar-daaran Dhaxal gal ah U Jeediyay Bulshadda Somaliland

0
500

Berbera (HP): Mujaahid Axmed Mirre Nuur, ayaa wax aad loogu farxo ku tilmaamay marxaladda uu maanta marayo wadanka Somaliland marka laga eeggo horumarka laga gaadhay dhismaha dawladnimadda iyo nabad geliyada ba.
Waxaanu sheegay in dhib aad u weyn loo soo maray qaranimadda helitaanka qaranimadda Somaliland sidaas darteedna uu qof walba waajib ka saarran yahay ilaalinta wada jirka ummada iyo horumarinta dawladnimadda.
Axmed Mirre, ayaa ku baaqay in bulshadda reer Somaliland ay mar kastaba ku dedaalaan ilaalinta danta guud ee qaranimadda gaar ahaana dhalinyaradda oo ah mustaqbalkii dalka, isla markaana haddii dalku uu bur-buro in cida ay wax ka xumaanayaan ay tahay dhalinyaradda.

Waxaanu Axmed Mirre, si gaar ah ula dar-daarmay dhalinyaradda reer Somaliland oo uu ku booriyay in ay hormood u noqdaan horumarka dawladnimadda iyo ilaalinta qaranimadda, isla markaana wadamadda dunidda dal waliba waxa uu dalka kale ku dhaafaa ay tahay xoogga dhalinyaradiisa.
Axmed Mirre Nuur, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad qaddo sharaf ah oo maanta isaga iyo xubno kaloo siyaasiyiin ah loogu sameeyay magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Waxaana munaasibadaasi qaddo sharafta ahayd ka soo qayb gallay maayarka Berbera, maamulka gobolka Saaxil, siyaasiyiin magac ku leh Somaliland, aqoon yahanno, dhalinyarro, iyo mart sharaf kale.
Axmed Mirre Nuur, waxa kaloo uu xusay inuu aad ugu faraxsan yahay marti qaadka loogu sameeyay magaaladda Berbera oo uu sheegay in ay taariikh weyn ku leedahay noloshiisii ardaynimo iyo xiligii uu ku jiray waxbarashadiisii dugsiga caanka ah ee magaaladda Sheekh.
Geesta kale Axmed Mirre, ayaa ku dheeraaday sidii mar walba meel looga soo wada jeedsan lahaa loona wada ilaashan lahaa in dalkeenu uu horumar gaadho, si aynu ula tar-tanno wadamo inala deriska ah.
Waxaanu sheegay in ay muhiim tahay in la ilaashado taariikhda uu wadanku soo maray, isla markaana beenta iyo tur-xaanta laga ilaaliyo ayna waajib tahay in la barro Ubadkeena, wax kastoo inaga liica na cid la rabbo in ay toosiso ay tahay dadkeena oo isku duuban.

DAAWO: Axmed Mirre Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here