Siyaasi Ka Soo Jeeda Somaliland oo Lagu Dilay Muqdisho

0
1941

Muqdisho (Hargeisa Press)- Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Xildhibaan hore Axmed Aadan oo ka tirsanaan jiray Baarlamaankii hore ee Soomaaliya.

Marxuum, ayaa waxaa ay wararka na soo gaadhayaa ay sheegayaan in saaka laga helay Maydkiisa Hotel uu ka deganaa magaalada Muqdisho.

Axmed Aadan oo ka soo jeeda Somaliland, ayaa ilaa iyo hada la sheegin sababta geeridiisa.

Waa masuulkii labaad ee ka soo jeeda Somaliland oo lagu dilo Soomaaliya, iyadoona hore loogu dilay Cabdinaasir Muuse Dahable oo ka mid ahaa hawlwadeennada hay’adda duullimaadyada rayidka ee Soomaaliya.

Geerida Cabdinaasir, ayaa ahayd mid aan caadi ahayn oo ah dil ula kac ah, welina lama aasin meydkiisa, inkasto marxuumka qoyskiisa ay codsadeen in meydka loo soo dhoofiyo si ay u aastaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here