Xisbiyada KULMIYE iyo UCID oo Yeeshay Kulankoodii Labaad

0
1166

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiyada KULMIYE iyo UCID ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxaa ay maanta yeesheen kulankii labaad muddo toddobaad ah.

Kulankan ay maanta wada yeesheen hoggaanka Xisbiyada KULMIYE iyo UCID, oo ahaa qado, ayaa ka qabsoomay caasimada Hargeysa.

Waxaana kulanka ka qaybgalay labada Guddoomiye ee xisbiyada KULMIYE iyo UCID Maxamed Kaahin Axmed, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay wehelinayeen xubnaha hoggaanka labada xisbi iyo siyaasiyiin kale.

Kulanka waxa lagu sii amba-qaaday wadahadalkii labada xisbi u furmay shirkoodii hore ee qabsoomay 18kii bishan February 2024, waxaana loo ballamay shirar kale oo wada-xaajoodka lagu sii wado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here