Siyaasi Ibraahim Cabdi oo Ka Digay Khilaaf-Cusub oo Somaliland Kusoo Fool-Leh

0
663

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xoghayihii hore ee Xisbiga Ucid Siyaasi Ibraahim Cabdi Xuseen, ayaa waxaa uu ka hadlay doorashooyinka Somaliland ee dhawaan la filayo in dalka ay ka qabsoomaan.

Siyaasi Ibraahim, ayaa waxaa uu sidoo kale xusay in Somaliland ay wakhtigan u jihaysatay jidkii doorashooyinka.

Sidoo kale, siyaasiga, ayaa waxaa uu ka digay in khilaaf cusub oo siyaasi ahi ka yimaado dhanka Guddida Doorashooyinka, gaar ahaan xubinta xisbiga Waddani u matasha Guddida Doorashooyinka, kaasi oo mudooyinkii u dambeeyay ay hadal hayn badani ka taagnayd.

Siyaasi Ibraahim Cabdi Xuseen, ayaa waxaa uu soo dhaweeyay khudbadii u dambaysay ee jeediyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee uu ku xusay in dalka iyo dadkuba diyaar u yihiin doorashooyin iyo xasilooni siyaasadeed.

Waxaa kale oo uu Siyaasi Ibraahim oo ah siyaasi ruug cadaaya, ayaa waxaa uu shaaciyay halka uu u digaroganayo iyo xisbiga uu ku biirayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here