Xildhibaan Stuart Polak: “Ingiriisku Waa Inuu U Jeestaa Aqoonsiga Somaliland”

0
1909

London (Hargeisa Press)- Xildhibaan Stuart Polak oo ah mudane ka tirsan Aqalka Sare ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa ugu baaqay xukuumada Ingiriiska in ay u soo jeesato aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland si ay wax ugu kordhiso xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Xildhibaan Stuart Polak waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay dood aqalka Odeyaasha Ingiriisku ka yeesheen siyaasada Arrimaha dibeda ee dalkaasi, waxaanu sheegay in aqoonsiga Somaliland uu wax weyn ka tarayo xasiloonida mandaqada Geeska iyo xaaladda cakiran ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xildhibaan Stuart Polak oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Masaafo aad u yar ayey Somaliland u jirtaa xeebaha Yaman ee rabshadaha iyo qasku ka jiro. Jamhuuriyadda Somaliland waxay leedahay 850 kiiloomitir oo xeebta Badda Cas ah oo aan wax Budhcad-badeed ahi ka jirin; taasna waxa loo nisbayn karaa dimuquraadiyadda reer galbeedka u janjeedha ee Somaliland.

1-dii January, Itoobiya, oo ah saaxiibka muhiimka ah ee UK, ayaa heshiis is-afgarad ah la saxeexatay Somaliland, kaas oo ay Itoobiya si rasmi ah u aqoonsanayso Somaliland beddelkeedana ay Itoobiya helayso saldhig Badda Cas ah. Arrintan ayaa waxaa ansixiyay baarlamaanka Itoobiya, waxaana arrintan si dhab ah uga hadlay dalal kale oo caan ah oo Afrikaan ah. Waxaan u soo jeedinayaa saaxiibkay Xoghayaha Arrimaha Dibedda inuu si degdeg ah u eego horumarkan wanaagsan.”

Xildhibaan Polak ayaa waxa kale oo uu sheegay in siyaasadii dib u habaynta Soomaaliya shaqeyn weyday, loona baahan yahay xal macquul ah, waxaanu yidhi “In Soomaaliya dib loo soo celiyo way shaqeyn weyday. Dunidu way isbedeshay oo way soo dhamaatay siyaasadeenii “Soomaaliya keliya”, ee dhalatay 1961. Waxa la joogaa wakhtigii ay siyaasadeenu is-bedeli lahayd. Waxaan rajaynayaa in saaxiibkayga sharafta leh ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda uu heli doono wakhti uu ku aqoonsado oo uu ku garab istaago wax qabadyada Somaliland ee xasiloonida iyo nabadgelyada gobolka, isaga oo hubinaya in doorkeeda muhiimka ah aan la ilduufin ama aan la dhayalsan karin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here