Somaliland oo Xukun Ku Riday Rag U Dhashay Itoobiya

0
1267

Hargeysa (Hargeisa Press)- Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku ridday afar nin oo u dhashay dalka Itoobiya isla markaana maandooriyaha Khamriga ku sameynayay gudaha magaalada Hargeysa.

Raggan ayay Maxkamaddu sheegtay in iyaga oo gaalo ah ay soo xidheen labiska Islaamka, sidoo kalena ay ka dawarsanaayeen magaalada dhexdeeda.

Shaki laga qaaday kadib ciidamada Booliska Somaliland, ayaa soo qabtay afarta nin, waxaana kadib lasoo taagay maxkamad, iyada oo lagu helay inay Khamri ku sameeyaan gudaha Hargeysa.

Sidoo kale, maxkamadda, ayaa sheegtay in raggan laba kamid ah lagu xukumay min sideed sanadood oo xabsi ah iyo laba milyayan oo shilinka Somaliland ah, halka labada kalena lagu riday xukun 6 sanadood oo xadhig ah iyo hal milyan oo shlinka Somaliland ah.

Ugu dambeyn, Maxkamadda, ayaa waxaa ay fariin u dirtay bulshada Somaliland oo loogu baaqay inay booliska u soo gudbiyaan wax kasta oo halis ku ah nabad-gelyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here