Hargeysa, (HargeisaPress) —Alla haw naxariistee Siyaasi Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo kamida siyaasiyiinta Somaliland isla markaana mudooyinkii u danbeeyeyba xaalad xanuun u jiifay cusbitaalo kala duwan oo ku yaala wadamada yurubta ayaa goor dhawayd ku geeriyooday magaalada London ee cariga dalka Ingiriiska.
Siyaasigan ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii xisbigii UDUB isla markaana ahaa gudoomiyihii kaambanynka xisbiga UDUB ee xukuumadii daahir Riyaale Kaahin.
Waxaana mudooyinkii u danbeeyeyba siyaasigan laga soo dayrinayay xaaladiisa caafimaad.
Alla haw naxariistee Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) ayaa sidoo kale ahaa mulkiilaha hotelka Crown ee magaalada hargeysa.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP