Shirweynaha Maalgashiga iyo Horumarinta Qaramada Midoobay oo Addis Ababa Ka Furmay

0
895

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Waxaa magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ka furmay Shirweynaha sanadlaha ah ee maalgashiga iyo horumarinta Qaramada Midoobay.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Maalgashiga ee dowladda federaalka Itoobiya Fisum Asafa oo ka hadashay xafladda furitaanka shirweynaha, ayaa halkaasi ka jeedisay xaalada guud ee maalgashi ee Itoobiya iyo halka ay marayso.

Wasiirka, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay qorshaha 10-ka sano ee horrumarineed gaar ahaana bahda warshadaynta, ganacsiga iyo bahaha la halmaala.

Fisum Asafa, ayaa carrabka ku dhufatay in natiija midho dhal ah laga soo hooyay qorshaha ay dowladda Itoobiya hirgalisay laga soo billaabo sanadii 2019-kii kaasi oo lagu kobcinayo wax soo saarka dalka Itoobiya gudihiisa.

Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqday in bahda waxbarashada, caafimaadka, tiknolojiyada iyo hal-abuurka iyagana laga soo hooyay guulo la taaban karo sanadihii la soo dhaafay amase isbaddalkii kaddib.

Wasiirka qorsheynta iyo maalgashiga Itoobiya, ayaa waxa ay sidoo kale xustay in Itoobiya ay soo wajahday khilaaf la xidhiidha hirgelinta dib-u-habaynta dhaqaalaha gudaha ee la bilaabay sanadka 2019-ka iyo taageeradii horrumarineed ee dibadda ay hoos u dhacday, taas oo u weecday in diiradda la saaro saamaynta colaadaha iyo cimilada ay sababeen.

Wakiilka Hay’adda UNDP, Turhan Saleh oo isna goobta ka hadlay, ayaa sheegay in iskaashiga ay la leeyihiin Itoobiya muddadii ay caqabaduhu jireen ay diiradda saareen ka jawaabista dhacdooyinka muhiimka ah ee la xidhiidha badbaadada ee ka duwan horumarka Itoobiya.

Isku duwaha gargaarka bini’aadantinimo ee Qaramada Midoobay, Catherine Sozi, ayaa sheegtay in Itoobiya ay soo wajahday caqabado kala duwan, oo ay ku jiraan colaado, COVID-19, iyo cawaaqibka isbeddelka cimilada iyo culeyska kiisaska bani’aadamnimo ay sii kordhayaan sannadba sanadka ka dambeeya.

Waxaa ay sheegtay Hay’addaha Qaramada Midoobay ay Itoobiya u joogaan si ay u taageeraan ajendaha Qaramada Midoobay ee 2030 iyo SDGs, iyadoo sheegtay in xaqiijinta ajandahan ay caqabado kala kulmeen waddan kasta oo adduunka ah.

Sidaa darteed, ayay tidhi waxaa muhiim ah in dib loo milicsado caqabadaha jira lana taageero Itoobiya si loo dardargeliyo qorshaha horrumarineed ee dowladda ee 10-ka sano ah kaas oo si cad ula jaan qaadaya ajandaha UN 2030 iyo AU 2063.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here