Sirdoonka Itoobiya iyo Soomaaliya oo Heshiis Kala Saxeexday

0
1042

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Taliyeyaasha hay’addaha Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ee Itoobiya iyo Soomaaliya, Temesgen Tiruneh Dinku iyo Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta heshiis ku kala saxeexday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Labada dhinac, ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee NISA iyo NISS, ay yeeshaan wada shaqeyn ku qotonta is dhaafsiga xogaha muhiimka ah iyo xoojinta dagaalka wada jirka ah ee kooxaha Argagixisada.

Agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad, ayaa tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid macno u leh Soomaaliya iyo Itoobiya iyo sidoo kale ammaanka bariga Afrika.

Labada sirdoon ee Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay in ay horseed u noqdaan in kooxaha Argagixisada laga sifeeyo geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here